Taliyeyaal xilka laga qaaday iyo dad loo qabtay dhacdadii Xamarweyne

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow oo warbaahinta Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen gaari lagu tuhmayo in uu ka dambeeyey falkii maalmo kahor ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, kaasi oo lagu dilay xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka iyo wiil ay dhashay guddoomiyaha ururuka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in gaariga lala qabtay hal ruux iyo qori uu watay, islamarkaana lagu tuhmayo in uu ka dambeeyey falkii labadaasi ruux lagu dilay.

Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa xusay in sidoo kale xilka laga qaaday Taliyihii Nabad Sugidda iyo kii Booliska ee degmada xamarweyne.

Waxaa kale oo uu sheegay in xabsiga ay kujiraan iminka 12-askari oo xiliga falka uu dhacayey ka howlgalayey degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....