Maamulka jowhar oo ka hadlay Fatahaadda Wabiga Shabeele

Date:

Jowhar (SONNA) Guddoomiyaha Degmada jowhar ee Xaruunta Gobolka Shabeelaha dhexe ahna Caasimada Maamulka Hirshabeele Cismaan Baarey oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay Saamaynta Wabiga Shabeele uu ku yeeshay  bulshada ku nool deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Cismaan Baarey guddoomiyaha jowhar ayaa tilmaamay in uu Wabigu ku fatahay tooyin badan oo ka tirsan shabeelaha dhexe kaasoo saamayn xoogan ku yeeshay beeralayda Gobolkaas.

Waxaa uu  tilmaamay in ay wadaan qorshayaal lagu doonaayo in wax looga qabto saamaynta Wabiga.

Wabiga  shabeele oo mara Gobolada Shabeelaha hoose,shabeelaha dhexe iyo Hiiraan ayaa inta badan sameeya fatahaad wax yeelo ka soo gaarto bulshada beeralayda ah iyo Xoolo dhaqatada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...