Dadwaynaha Gobolka Catalonia oo u dareeray codaynta Aftida Madaxbanaanida

Date:

Gobolka Catalonia ee dalka Isbayn waxay dadku subaxnimadii hore ee saaka ay safaf dhaadheer u galeen Codbixin ay ku doonayaan in ay kaga madaxbanaanaadan dalka Isbayn intiisa kale.

Dhinaca kale Wasaaradda arimaha Gudaha ee Isbayn ayaa sheegtay in dowladdu ay xirtay in ka badan kala bar dhismayaashii danta guud ee Gobolkaasi ee loo Qorsheeyay in codbixintu ka dhacdo.

Doorashada gobolkaan ayaa lagu soo dooranayaa Madaxweyne iyo Baarlamaan, Xisbiyada gooni u goosadka ayaa helay 62 kursi Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Cataloniya oo ka kooban 130 kursi,inkastoo xisbiyadaan ku guuleysan waayeen inay helaan codka aqlabiyadda Baarlamaanka gobalkaasi oo ah 68 kursi, waxaana lagu wadaa inay isbaheysi la sameystaan xisbiyo kale.

Isbaheysiga xisbiyada gooni u goosadka ayaa doonaya in muddo 18 bilood gudahood ah loo sameeyo dastuur u gaar ah gobalkaasi isla markaana lagu dhiso hay’adaha dowlada u gaarka ah sida, Maxkamadaha, Bangiyada iyo Ciidamada.

Dowlada Dhexe ee Spain ayaa si weyn uga soo horjeeda gooni u goosadka Catalonia oo ah gobal ay dhaqaalo badan kasoo galaan dalka Spain isla markaana ay ku nool yihiin 16% shacabka wadankaasi.

Doorashada maanta ee Catalonia ayaa imaaneysa iyada oo dhaqaalaha Spain uu noqdey mid aad u hooseeya, shaqao la’aantuna gaartey heerkii ugu xumaa.

Bishii Spetember waxaa isugu soo baxay caasimadda Catalonia ee Barcelona dad gaaraya 1.5 miylan oo qof taas oo u dhiganta 20% dadka ku dhaqan gobolkaas kuwaas oo dalbanaya in ay helaan madaxbanaani.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...