Dadwaynaha Gobolka Catalonia oo u dareeray codaynta Aftida Madaxbanaanida

Date:

Gobolka Catalonia ee dalka Isbayn waxay dadku subaxnimadii hore ee saaka ay safaf dhaadheer u galeen Codbixin ay ku doonayaan in ay kaga madaxbanaanaadan dalka Isbayn intiisa kale.

Dhinaca kale Wasaaradda arimaha Gudaha ee Isbayn ayaa sheegtay in dowladdu ay xirtay in ka badan kala bar dhismayaashii danta guud ee Gobolkaasi ee loo Qorsheeyay in codbixintu ka dhacdo.

Doorashada gobolkaan ayaa lagu soo dooranayaa Madaxweyne iyo Baarlamaan, Xisbiyada gooni u goosadka ayaa helay 62 kursi Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Cataloniya oo ka kooban 130 kursi,inkastoo xisbiyadaan ku guuleysan waayeen inay helaan codka aqlabiyadda Baarlamaanka gobalkaasi oo ah 68 kursi, waxaana lagu wadaa inay isbaheysi la sameystaan xisbiyo kale.

Isbaheysiga xisbiyada gooni u goosadka ayaa doonaya in muddo 18 bilood gudahood ah loo sameeyo dastuur u gaar ah gobalkaasi isla markaana lagu dhiso hay’adaha dowlada u gaarka ah sida, Maxkamadaha, Bangiyada iyo Ciidamada.

Dowlada Dhexe ee Spain ayaa si weyn uga soo horjeeda gooni u goosadka Catalonia oo ah gobal ay dhaqaalo badan kasoo galaan dalka Spain isla markaana ay ku nool yihiin 16% shacabka wadankaasi.

Doorashada maanta ee Catalonia ayaa imaaneysa iyada oo dhaqaalaha Spain uu noqdey mid aad u hooseeya, shaqao la’aantuna gaartey heerkii ugu xumaa.

Bishii Spetember waxaa isugu soo baxay caasimadda Catalonia ee Barcelona dad gaaraya 1.5 miylan oo qof taas oo u dhiganta 20% dadka ku dhaqan gobolkaas kuwaas oo dalbanaya in ay helaan madaxbanaani.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...