Qoysas ku dhaqan Kaam ku yaal duleedka Magaalada Baydhabo oo ay lasoo

Date:

Halkan waa kaam kuyaala duleedka bari ee Magaalada baydhao ee xaruunta Gobolka Bay Waxaana kujira Boqolaal Qoys oo Dhawaan ka soobarakacey Deegaano Farabadan oo hoos imaanaya G/Jubada hoose Sida Shanqalaw, Saakaw , Baalinbaasho . iyo Dameerka.

Deegaanada dakan ay ka soo barakaceen ayaa waxaa ka jirta Xaalado bani aadimo, mana helin Roob kufilan sedaxdii sano ee ugu danbeeyey . Waxaana Qoysiskan ay ubadanyihiin xoola dhaqato beeraley

inkastoo Deegaanada Dadka ay ka soo barakaceen Ay kajiraan abaar daran iyo Jiilaal dheeraadey waxaa in taasi uweheliya caqabado kale oo Farabadan oo Ka soowajahey kunoolasha deegaanadoodi Tas oo ay uga Horeyso in si qasab ah Al Shabaab ay uga askareeyaan Caruurta da adoodu kaweyn 10 ka sano

taas oo Waaladiintu ay sheegeen in ubadkooda , laga horjoogsado fursadaha waxbarashada, si aan kala sooc lahayna loogu dilo amma lagu dhaawaco weerarada lagu qaado meelaha ay dadku ku badan yihiin.

Caruur aad uda yer oo tiradooda kor udhaafaysa 500 ayaa kamid ah Barakaciyaasha, kuwaas oo waalidiintooda door biday in ay aruurtooda Ay ka soowadaan goobaha Shabaabka ay maamulaan si aan loo as kareen

carurtan oo hami weyn uhaya Waxabarashada ayaa waxaa si lacag la aan ah wax looga baraa Qol yer oo Cooshash kasameysan , bugaata iyo qakimada Wax lagubarto Qaar kood mahaysan taas oo kuumuujnaysa Daruufaha adag ee Haysta Qoysiska Caruuta. balse  waxaa kamuuqatay hami Aad usareeya ee ay uqabaan Waxabarashada.

Gudoomiyaha G/baay Mudane  Cali wardhaare Cabduraxamaan oo maanta Booqadey Kaamka Tawfiiq ee ay kunoolyihiin Qoysiska ayaa lahadley warbaahinta Qaranka soomaaliyeed waxaana uu sheegay in lajoogo wakhtigii Qof walba uu kaqeyb qaadan lahaa Badbaadinta dadkan kurafaadsan Kaamkani.

Waxaa Diyaariyey: siraaji xaaji

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saxiixay buugga tacsida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...