Haween Naafo ah oo la baray xirfado ay ku shaqeystaan magaalada Gaalkacyo

Date:

 Gaalkacyo (SONNA) Tababarkaan oo ahaa mid xirfado dhanka shaqada la xiriirta, isla markaana si lacag la aan ah loogu barayay muddo lix bilood qaar ka mida haweenka Naafada ah ee ku nool magaalada Gaalkacyo ayaa loo soo gaba gabeeyay ilaa labaatan haween ah oo naafo ah, kuwaasi oo la baray tolidda dharka iyo cilaan saarka.

Tababarkaan oo ay fulintiisa iska kaashanayeen ururka GOWDA oo ah urur ka shaqeeyay ilaalinta xuqquqda haweenka iyo carruurta Naafada ee Galmudug iyo hay’ad lagu magacaabo Abiilis ayaa waxaa xiritaankiisii ka qeyb galay masuliyiin ka tirsan Galmudug iyo xubno ka socday ururada Haweenka iyo naafada ee Gobalka Mudug

Ugu horeyna waxaa munaasabada ka hadlay Waris Cabdullaahi Shirwac iyo Nuur Cabdi Aadan oo ku hadlayay magaca Ururka iyo Hay adda iska kaashaday ayaa waxa ay tilmaameen inay tahay markii u horeysay ay qabtaan tababbar ceenkan ah oo xirfado shaqo la baro haween Naafo ah, taas oo qeyb ka ah qorshaha dhiiri gelinta Dadka aan lixaadkoodu dhameyn.

Sidoo kale munaasabada ayaa intii ay socatay waxaa ka hadlay xubno ka socday ururada haweenka iyo Naafada Gobalka Mudug, kuwaasi oo dhamaantood uga mahadceliyay ciddii isku howshay in markii ugu horeysay Gobalka Mudug xirfado shaqo la baro dad naafo ah.

Duqa Degmada Galkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barre oo soo xiray tababarka ayaa xusay in ka maamul ahaan ay kaalintooda ka qaadan doonaan dhiiri gelinta naafada ku nool magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...