Mareynkanka oo dalbaday in Cadaalada la horkeeno Saraakiisha Ciidamada Militariga Myanmar

Date:

Dowladda Mareynkanka ayaa sheegtay iney muhiim tahay in la qaado talaabo ka dhan ah Hogaamiyeyaasha Ciidamada Militariga Myanmar kuwaasoo howlgal amarkooda lagu qaaday sababtay in si qasab ah loo barakiciyo 500,000 Muslimiinta Rohingya kuwaasoo maciin biday dalka Bangaldesh.

Safiirka Mareynkanka ee Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa xukuumadda Myanmar ku eedeeysay iney qaadeys olole ka dhan ah Muslimiinta Rohingya oo ay dooneyso iney dalka kaga tirtirto Qoomiyadaha laga tirada badan yahay ee dalkaasi.

Ku xigeenka Haweeneyda hogaamiyaha ka  ah dalka Myanmar Aung San Suu Kyi, oo hadal kooban ka jeediyay  shirka loo dhan yahay ee Qaramada oo dhawaan lagu qabtay magaalada New York ayaa sheegay ineysan dheg jalaq u siineyn cambaareynta kaga imaaneysa beesha caalamka ee ku aadan Xasuuqa ay ku wado Qoomiyadda Muslimiinta ah laga tirada badan yahay ee Rohingya.

Hadalka Safiirka Mareynkanka u fadhiya Qaramada Midoobay Haley ayaa imaanaya iyadoo in ka badan 50-Qaxooti Qoomiyadda Rohingya la la’yahay markii dooni ay saarnaayeen ku qalimatay badda iyado loo aaneynayo roob dabeylo wata iyo badda oo kacsaneyd.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (UNHCR),ayaa warbixin ay oo saartay ku sheegtay in ku dhawaad 130-Qof la aaminsan yahay iney dooni saarnaayeen la la’yahay,Booliska dalka Bangladesh ayaa sheegay in 27-Qof oo ka mid dadkaasi la soo badbaadiyay halka in ka badan 50- kalena la la’yahay.

Hogaamiyaasha Beesha caalamka ayaa ku baaqay in il gaar ah lagu eego dadka Muslimiinta ah ee barakicinta lagu hayo,si markaasi loo gaarsiiyo caaawinaada ay u baahan yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Hawlaha Guud oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, DDib-u-Dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane...