Wasiirka Amniga” Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amniga ayaa u xiran falkii lagu dilay Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka”

Date:

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo ku simaha Taliyaha Booliska Soomaaliya ahna taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Mukhtaar Afrax Xuseen ayaa si kulul waxay maanta uga hadleen dhacdadii shalay lagu dilay Wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale.iyo Xoghayihii Ururkaasi Canab C/laahi Xaashi.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa marka hore sheegay in wax laga xumaado ay tahay in degmada Xamarweyne oo ka mid ah degmooyinka ugu nabdoon Gobolka Banaadir inta kooxo hubeysan dil ka geystaan hadana baxsadaan,isagoo dhan kale sheegay iney jiraan mas’uuliyiin u xiran falkaasi maalmaha soo socdana warbaahinta loo soo bandhigi doono.

Sidoo kale,Wasiirka Amniga ayaa carabka ku dhuftay iney jiraan baaritaan ku socdo mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amaanka oo falkaan lala xiriirinayo,islamarkaana ay dhici karto haddii ay ku cadaato iney xilkooda ku waayaan.

Dhanka kale,Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Mukhtaar Afrax Xuseen ayaa marka hore cambaareeyay falka lagu weeraray gaari ay lahayd Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale. oo darawal uu ka ahaa Wiilkeeda oo lagu nagacaabi jiray Axmed Jaamac Xersi oo weerarka lagu dilay.

Wuxuuna Taliye Afrax ku tilmaamay falkaasi mid laga xumaado oo u baahan in laamaha amaanka qaadaan talaabooyin wax ku ool ah oo wax looga qabanayo kooxaha argagaxisada oo caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Weerarka dilka ah ayaa shalay oo taariikhda ku beegneyd 27-September 2017, ka dhacay Wadada Via Roma ee degmada Xamarweyne,waxaana labada ruuxa ee la toogtay ay wateen gaari Surf ah iyada oo ay labaduba ay goobta ku nafwaayeen..

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Mukhtaar Afrax ayaa hadalkaan waxay ka jeediyeen kulan looga hadlayay adkeynta amaanka oo ka dhacay Xarunta Generaal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...