Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay Agaasimaha guud ee sanduuqa Horumarinta Sacuudiga

Date:

Muqdisho (SONNA)  Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta kula kulmay qasriga cas ee Magaalada jiddah Agaasimaha guud ee maamulka Horumarinta sanduuqa sacuudiga fowzi calyaan al-sucuud, iyagoo diiradda saaray arrimo badan oo labada dhinac quseeya.

Waxaa kulanka lagu soo qaaday intii uu socday sidii wax looga qaban lahaa islamarkaana loo taageeri lahaa horumarinta mashaariicda la xiriira  arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya .

Kulanka waxaa goobjoog ahaa safiirka soomaaliya u fadhiya boqortooyada Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle iyo Agaasimaha dhanka  mashaariicda ee sanduuqa Horumarinta Sacuudiga Eng Bandar al-baazici.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...