Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Senatorka laga soo doorto Minnesota

Date:

Washington DC(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weli ku sugan Dalka Mareykanka ayaa xalay la kulmay Senetor Al Franken oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ee dalka Maraykanka isla markaana laga soo doorto gobolke Minnesota ee Soomaalidu ku badan tahay.

Kulankani oo ka dhacay magaalada Washington DC ayaa Qoraal ka soo baxay xafiiska Senatorka lagu sheegay in labada masuul ay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo khuseeya Soomaalida oo ay ka mid tahay xannibaadda dhinaca socdaalka ee Madaxweyne Trump uu ku soo rogay dalal ay Soomaaliya ku jirto iyo saamaynta ay ku yeelanayso dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan gobolka Minnesota iyo gobollada kale ee Maraykanka.

“Xanibaadda dhinaca socdaalka ah waxay dhaawacaysaa Soomaalida kunool Gobolka Minnesota, waan u dagaalami doonaa, waana  barbar istaagi doonaa bulshada Soomaalida ah ee kala maqan haddii xannibaaddan socdaalku ay hirgasho”, ayuu yiri Senator Franken.

Arrintan Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Senatorka ay ka wada hadleen oo ah xaiyaaradda dhanka socdaalka ayaa waxaa ay saameyn ballaaran ku yeelatay bulshooyin badan oo Soomaaliya ay kujirto,waxaana dadaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu wax badan katari doona rajada shacabka Soomaaliyeed ee u socdaalaya ama ka soo socdaalayo Mareykanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Ku-simaha Safiirka Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray fariisimada Ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin ee magaalada Beledweyne

Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo xaqiijiyey hawgalo lagu dilay horjoogeyaal khatar badnaa

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalim...