Guddoomiye Thaabit “Caddaalad ayey heli doonaan muwaadiniintii ay dhibka u geysteen Gaadiidka AMISOM”

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Muadne Thaabit Cabdi Maxamed oo uu wehliyo Guddoomiyaha Degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay  Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhib ay u geeysteen gaadiidka Ciidamada AMISOM, xilli ay marayeen Wadamada KM4 ee magaalada  Muqdisho.

Thaabit Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in ay wada hadleen Madaxda ugu sarreeysa Ciidamada AMISOM, dhibka ay geeysteenna uu kala hadlay, isagoo tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan cadaalad ay ku heli doonaan dhibaneyaasha.

“Waxaan la kulmay muwaadiniintii ay dhibka u geysteen ciidamada Amisom, Alxamdulilah way nabad qabaan, cadaaladna way helidoonaan dhawaan” Guddoomiye Thaabit ayaa sidaasi Bartiisa Twitterka ku daabacay.

Dhanka kale Warsaxaafadeed ay soo saareen ciidanka AMISOM ayaa lagu caddeeyay in gaariga shilka geystay uu ahaa mid ciladeysan, ayna ka raali gelinayaan muwaadinkii gaariga dhibta loogu geystay KM4, ayna diyaar u yihiin inay arrintaasi xaliyaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...