Guddoomiye Thaabit โ€œCadaalad ayey heli doonaan muwaadiniintii ay dhibka u geysteen Gaadiidka AMISOMโ€ (Sawirro)

Date:

Muqdisho (SONNA)ย  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Degmadda Hodan Maxamed Axmed Cantoobo, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilayย  Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhib ay u geeysteen gaadiidka Ciidamada AMISOM, xilli ay marayeen Wadamada KM4 ee Magaaladaย  Muqdisho.

Thaabit Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in ay wada hadleen Madaxda ugu sarreeysa Ciidamada AMISOM, dhibka ay geeysteenna uu kala hadlay, isagoo tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan cadaalad ay ku heli doonaan dhibaneyaasha.

โ€œWaxaan la kulmay muwaadiniintii ay dhibka u geysteen ciidamada Amisom, Alxamdulilah way nabad qabaan, cadaaladna way helidoonaan dhawaanโ€ Guddoomiye Thaabit ayaaย sidaasiย Bartiisa Twitterka ku daabacay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale