Gaadiid Ganacsi oo gaaray Magaalada Xudur ka dib markii Ciidamada Xoogga Dalka howlgalo sameeyeen

Date:

Xudur (SONNA) Ku dhawaad 15 Gaadiid oo u rarnaa Ganacsatada Bakool ayaa gaaray Xarunta Gobolka Bakool ee Xudur kuwaasoo ka yimid Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Gaadiidkan oo ku xayirnaa maalmihii lasoo dhaafay inta u dhaxeysa Gobolada Bakool iyo Hiiraan ayaa waxaa ugu dambayn u suurto gashay in ay gaaraan Xaruunta Gobolka Bakool ka dib markii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay howlgalo ka dhan ah maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab ka sameeyeen Waddooyinka isku xira Gobladaas.

Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab ayaa waxa ay go’doon saareen Waddooyinka soo gala Magaalo madaxda Gobolka Bakool taasoo qeyb ka ah dhibaatooyinka Nabad diidku ku hayaan dadka Shabaka ah ee ku nool Gobolka Bakool.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Xasan C/raxmaan ee kaga soo warama Gobolka Bakool ayaa soo sheegaya in gaadiidkan oo u rarnaa ganacsatada Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool ay gaareen Magaaladaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...