Donald Jey Trump Madaxweynaha Mareykanka oo markale Pyongyang ugu hanjabay Guluf Militari

Date:

Mareykanka Waxaa sii kordhaya khilaafaadka dhinaca diblomaasiyadda ee u dhexeeya wadamada Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi,taasi oo salka ku haysa barnaamijka Nuclearka Waqooyiga Kuuriya.

Donald Jey Trump Madaxweynaha Wadanka Mareykanka ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu qaado  tallaabo milatari oo uu ku tilmaamay in ay xal u tahay xasaradda Woqooyi Kuuriyada, isagoo uga digay Dowladda Kuuriyada Waqooyi in arrintaasi ay ku noqondoonto awaaqib xumo.

Kadib shir jaraaid uu ku qabtay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykana isagoo barbar taagnaa  ra’iisalwasaaraha Spain Mariano Rajoy  ayuu hadalkan jeediayaya madaxweyne Trump oo u muuqda qof aad uga careysan talaabada dhanka Nuclearka ah oo ay u qaadayso Waqooyiga Kuuriya.

Wuxuu sidoo kale Donalda  Trump weerar dhanka afka ah ku qaaday hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un, oo uu ku eedeeyay in uu u dhaqmayo si xun isla markaana uu ku socdo waddo qaldan.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa isagoo ka hadlayay mowqifka Mareykanka uu ka taagan yahay arrinta Kuuriyada Waqooyi ayuu ku sheegay in mareykanka uu san rabin balse talaabadaasi ay imaan karto hadii loo arko in Pyongyong ay keento khataro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...