Donald Jey Trump Madaxweynaha Mareykanka oo markale Pyongyang ugu hanjabay Guluf Militari

Date:

Mareykanka Waxaa sii kordhaya khilaafaadka dhinaca diblomaasiyadda ee u dhexeeya wadamada Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi,taasi oo salka ku haysa barnaamijka Nuclearka Waqooyiga Kuuriya.

Donald Jey Trump Madaxweynaha Wadanka Mareykanka ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu qaado  tallaabo milatari oo uu ku tilmaamay in ay xal u tahay xasaradda Woqooyi Kuuriyada, isagoo uga digay Dowladda Kuuriyada Waqooyi in arrintaasi ay ku noqondoonto awaaqib xumo.

Kadib shir jaraaid uu ku qabtay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykana isagoo barbar taagnaa  ra’iisalwasaaraha Spain Mariano Rajoy  ayuu hadalkan jeediayaya madaxweyne Trump oo u muuqda qof aad uga careysan talaabada dhanka Nuclearka ah oo ay u qaadayso Waqooyiga Kuuriya.

Wuxuu sidoo kale Donalda  Trump weerar dhanka afka ah ku qaaday hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un, oo uu ku eedeeyay in uu u dhaqmayo si xun isla markaana uu ku socdo waddo qaldan.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa isagoo ka hadlayay mowqifka Mareykanka uu ka taagan yahay arrinta Kuuriyada Waqooyi ayuu ku sheegay in mareykanka uu san rabin balse talaabadaasi ay imaan karto hadii loo arko in Pyongyong ay keento khataro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane...