Wasiirka dekedeha iyo Gaadiidka Badda oo ka qeyb gashay kulan looga hadlayey horumarinta Dekedaha dalka

Date:

Muqdisho (SONNA)  Kulanka oo looga hadlayey horumarinta dekedaha dalka ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, wasiir ku xigeenka wasaaradaasi, xubno matalayey qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka iyo masuuliyiin ka socday shirkad Jarmal ah oo kaalin kuleh qorshaha horumarinta dekedaha Soomaaliya oo uu maal galinayo Bankiga Aduunka.

Martin Goericke oo ka socday shirkadda Inros Lackner oo door ku leh qorshahan ayaa ugu horeyn sheegay in horey ay usoo qabteen tababro ay ka qeyb galeen xubno matalayey dowlad goboleedyada, kuwaas oo looga hadlayey hanaanka lagu hormarinayo dekedaha Soomaaliya.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Dr Maryan Aweys Jaamac ayaa sheegtay in lasoo gaba gabeeyey qorsha la doonayo in lagu hormariyo dekedaha dalka, islamarkaan Dekedda Muqdisho ay tahay mida ugu horeysa ee qorshahaasi lagu bilaabayo.

Dr Maryan Aweys Jaamac wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa tilmaamtay in arin lagu farxo ay tahay in mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya looga hadlo dalka gudihiisa, iyada oo taasi aaney horey u dhici jirin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...