Muqdisho-(SONNA)- Wararka ka imanaya Waqooyiga dalka Mali ayaa sheegaya in saddex ka mid ah Ciidamada nabad ilaalinta Qaraamada midoobay oo ku sugan dalkaasi lagu dilay qarax, halka saddex kalana ay ku dhaawacmeen.
Bayaan ka soo baxay Ergada Qaraamada Midoobay ee dalkaasi Mali ku sugan ayaa lagu sheegay in Qaraxaasi uu ka dhashay Bam la dhigay jid ku yaal magaalada Gaw ee waqooyiga dalkaasi xilli Kolonyo ka tirsan Ciidamadaasi ay halkaa marayeen, waxaana la sheegay inay dhibaatada intaa ka sii badnaan karto.
Warku wuxuu intaa ku daray in ay baarista dhacdaasi weli socoto.