Maamulada Galmudug iyo Puntland oo heshiis wada gaaray

Date:

Gaalkacyo (SONNA) Mas’uuliyiinta maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta kulan ka yeeshay colaadda ka soo cusboonaatay qeybo ka mid ah gobolka, gaar ahaan dhanka miyiga.

Kulan ay isugu yimaadeen Guddoomiyeyaasha, Degmada, Gobolka iyo sarakiisha ciidanka ee Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa looga hadlay dagaal dhawaan ka dhacay dhulka miyiga oo dad xoolo dhaqato ah ay ku dirireen, waxaana si wada jir ah la isugu raacay in la joojiyo colaada, lana sii wado dadaallada Nabadeed ee lagu xalinayo Nabadgelyada Gobolka Mudug.

Madaxda labada dhinac ayaa ku isku afgartay heshiis ka kooban afar qodob, kuwaasi oo kala ah,

In si deg deg ah loo joojiyo colaadda ka soo cusboonaatay miyiga

In la dardargeliyo shirarkii Nabadeynta iyo Guddiyadii la magacaabay inay shaqeeyaan.

In la joojiyo hadalada abuuraya colaadda ee la isu marinayo Warbaahinta, saxaafadduna laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan haddii ay ka been sheegaan heshiisyada labada dhinac.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...