Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddigii loo xil saaray go’aankii Golaha Wasiiradda

Date:

Muqdisho(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha ShacabkaΒ  ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay guddi uu dhawaan u magacaabay in ay soo daraaseeyaanΒ  Go’aan Golaha Wasiiradda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa Guddiga kula dardaarmay in ay howsha loo idmaday Β u gutaan si hufnaan iyo daacadnimo asagoo ku dhiira geliyey in ay dardar geliyaan Howshooda.

Dhanka kale Guddiga dhawaan la magacaabay ayaa gudoomiye u Doortay Β  Xil Cali Xoosho guddoomiye ku xigeenC/risaaq Cumar Maxamed HalkaΒ Β Hani Maxamed Aadan loo doortay Xogheyn, waxaana ay balan qaadeen in ay howsha loo xil saaray ay si wanaagsan usoo qiimeyn doonaan isla markaana warbixin lagu qanco ay kusoo celin doonaan Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale