Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magaalada Beledweyne kulan kula qaatay Saraakiisha Qaramada Midoobay ee ku sugan Xafiiska Beledweyne, waxaana kulanka looga hadlay xoojinta wax ka qabashada baahiyaha ka jira Hirshabelle iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta iyo dib u dhiska deegaannada Maamulka Hirshabelle.

Ugu horeyn Saraakiisha ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle waxa ay ugu hambalyeeyeen Mas’uuliyadda culus ee 16-kii bishaan loo doortay, waxaana ay muujiyeen sida diyaarka ay ugu yihiin la shaqeynta Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Madaxweynaha Cusub.

Saraakiisha ugu sareysa xafiiska Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin Magaalada Beledweyne ayaa waxa ay faah faahin ka siiyeen Madaxweynaha Hirhshabeelle howlaha ay ka qabteen deegaannada Maamulka iyo waxyaabaha horyaalla in ay wax ka qabtaan oo ay ka mid yihiin horumarinta kaabayaasha Dowladda, Dib u dhiska Deegaanada, arrimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay sida lagama maarmaanka ay u tahay wanaajinta iyo xoojinta xiriirka kala dhexeeya Hey’adaha Qaramada Midoobay, waxaana uu ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Maamulka, isla markaana looga jawaabi lahaa baahiyaha deg dega ah ee soo food saara bulshada Hirshabelle.

Mudane Waare  oo sii hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in bulshada loo bandhigo waxqabad muuqda oo ay ku qanci karaan, taasina looga baahanyahay in xafiiska Qaramada Midoobay ee Beledweyne uu ka shaqeeyo fulinta Mashaariicyo horumarineed oo ay soo gudbin doonto Dowladda Hirshabelle, waxaana ay balanqaadeen Saraakiishaasi fulinta Waxyaabaha uu ka hadlay Madaxweynaha Hirshabeelle.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday Jawi wanaagsan oo la isku fahmay waxyaabihii lagu balamayna sida ugu dhaqsiyaha badan loo fuliyo, sidoo kale waxa  ay isla garteen in la joogteeyo kulamada noocaani oo kale ah oo la isku xog wareysanayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...