Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa  magaalada New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi, waxana ay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac iyo mashaariic ay dawladda Shiinuhu ka fulineyso Soomaaliya.

Kulankan ayaa la iskula soo qaadey xoojinta xiriirka labada dawladood, xaaladda amniga ee gobolka Geeska Afrika, arrimaha siyaasadda iyo taageerada dib-u-dhiska iyo dib-u-soo kabashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi uga mahad celiyay kaalintooda wanaagsan ee ay ka qaadanayaan taageerada Soomaaliya, wuxuuna cadeeyey sida loogu baahan yahay in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada waddan.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee arrimaha Soomaaliya iyo Shir kale oo isna looga hadlayey Abaaraha. Iyadoo ay shirarkani ka soo qeyb galeen in ka badan 98 waddan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta oo jimco ah khudbad ka jeedin doona shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan...

Wasaaradda Caddaaladda oo shaacisay xiliga la qabanayo Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS,...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuur BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dastuurka...