Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa  magaalada New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi, waxana ay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac iyo mashaariic ay dawladda Shiinuhu ka fulineyso Soomaaliya.

Kulankan ayaa la iskula soo qaadey xoojinta xiriirka labada dawladood, xaaladda amniga ee gobolka Geeska Afrika, arrimaha siyaasadda iyo taageerada dib-u-dhiska iyo dib-u-soo kabashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi uga mahad celiyay kaalintooda wanaagsan ee ay ka qaadanayaan taageerada Soomaaliya, wuxuuna cadeeyey sida loogu baahan yahay in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada waddan.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee arrimaha Soomaaliya iyo Shir kale oo isna looga hadlayey Abaaraha. Iyadoo ay shirarkani ka soo qeyb galeen in ka badan 98 waddan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta oo jimco ah khudbad ka jeedin doona shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...