Guddoonka Aqalka sare oo qaabilay Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya

Date:

Kulankan ay wada yeesheen Guddoonka Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya oo uu wehliyo ku xigeenka Safiirka ayaa ku saabsanaa howlaha Aqalka sare ka socda iyo sidii Dowladda Jarmalku ay gacan uga siin lahayd horumarinta howlaha horyaala Golahan oo ah hay’ada Dalka ku cusub.

Kulanka markuu soo geba geboobey waxaab Warbaahinta Qaranka la hadashay Safiirka Jarmalka u fadhisa Soomaaliya Ms.Jutta Frasch waxayna sheegtay in Soomaliya iyo Jarmalka uu ka dhaxeeyo xiriir soo jirayn ah.

“Aaad baad ugu faraxsanahay in aad soo booqdo xarunta cusub ee Goalah aqalka sare,waxaan ka imid dalka jermalka ooo ah wadan federal ah,muddo sanado ah, waxay leedahay dhaqan soo jireen ah,sidaasi darteeda waxaan ka wada hadalnay guddoonka sidii xiriir uu u dhexmari lahaa labada dhinac,waxaana aan u sheegay in ahmiyadd la siyo sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada siyaasadda arrimaha dibadda,waxaan u rajaynayaa golaha baarlamaanka in ay u horseedaan shacabka soomaaliyeed sidii ay isugu keeni lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, si loo heli dowlad xooggan”,

Safiiradda oo sii hadlaysay ayaa tiri “Dowladda Jarmalka waxay diyaar u tahay sidii ay u caawin lahaa Dowladda Soomaaliya, waxaan qorsheynaynaa in aan maalgashi ku sameysano,waxaana aamainsanahay in dalka Soomaaliya uu yahay wadan aad u muhiimsan marka laga hadlayo gobolka Geeska Africa’, ayay tiri Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya

Ilyees Cali Xasan guddoomiyaha guddiga Qeyraadka Qaranka,kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in muhiim ay tahay iskaashiga iyo wadashaqeynta baarlamaanada labada Dal,maadaama Jarmalka uu ka mid yahay wadamada ku dhaqma nidaamka Federaalka ah.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeyb gashay shirka Dhaqanka EAC 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Shaqada XFS oo ka digtay ku-shaqeynta carruurta,

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Xildhibaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo yeeshay kulan Iskaashiga Amniga ah

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...