Guddoonka Aqalka sare oo qaabilay Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya

Date:

Kulankan ay wada yeesheen Guddoonka Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya oo uu wehliyo ku xigeenka Safiirka ayaa ku saabsanaa howlaha Aqalka sare ka socda iyo sidii Dowladda Jarmalku ay gacan uga siin lahayd horumarinta howlaha horyaala Golahan oo ah hay’ada Dalka ku cusub.

Kulanka markuu soo geba geboobey waxaab Warbaahinta Qaranka la hadashay Safiirka Jarmalka u fadhisa Soomaaliya Ms.Jutta Frasch waxayna sheegtay in Soomaliya iyo Jarmalka uu ka dhaxeeyo xiriir soo jirayn ah.

“Aaad baad ugu faraxsanahay in aad soo booqdo xarunta cusub ee Goalah aqalka sare,waxaan ka imid dalka jermalka ooo ah wadan federal ah,muddo sanado ah, waxay leedahay dhaqan soo jireen ah,sidaasi darteeda waxaan ka wada hadalnay guddoonka sidii xiriir uu u dhexmari lahaa labada dhinac,waxaana aan u sheegay in ahmiyadd la siyo sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada siyaasadda arrimaha dibadda,waxaan u rajaynayaa golaha baarlamaanka in ay u horseedaan shacabka soomaaliyeed sidii ay isugu keeni lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, si loo heli dowlad xooggan”,

Safiiradda oo sii hadlaysay ayaa tiri “Dowladda Jarmalka waxay diyaar u tahay sidii ay u caawin lahaa Dowladda Soomaaliya, waxaan qorsheynaynaa in aan maalgashi ku sameysano,waxaana aamainsanahay in dalka Soomaaliya uu yahay wadan aad u muhiimsan marka laga hadlayo gobolka Geeska Africa’, ayay tiri Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya

Ilyees Cali Xasan guddoomiyaha guddiga Qeyraadka Qaranka,kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in muhiim ay tahay iskaashiga iyo wadashaqeynta baarlamaanada labada Dal,maadaama Jarmalka uu ka mid yahay wadamada ku dhaqma nidaamka Federaalka ah.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...