Wasiirka Amniga XFS” Ciidamada amniga shardi ugama dhigi karaan dadweynaha wadooyinka maraya in ay wataan aqoonsi Dowladeed.

Date:

Muqdisho(SONNA) Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka Dowladda aysan shardi uga dhigi karin Dadweynaha waddooyinka maraya in ay wataan aqoonsi Dowladeed.

Wasiirka oo maanta ka qeybgalay kulan deg deg ah oo looga hadlayaya xoojinta ammaanka magaalada Muqdisho oo lagu qabtay Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayaa siweyn uga hadlay ahmiyadda ay leedahay wada shaqeynta shacabka iyo hay’adaha ammaanka,sida uu ku soo waramayo Wariyaha SONNA Nuur Siciid Tahliil oo kusugan degmadaasi.

Wuxuu sheegay Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale in laga bilaabo maalinta sabtida ah ee soo socota uu dhaqan geli doono go’aanka ku aadan in shacabka isticmaalaya waddooyinka aan lagu xujeyn Karin in ay wataan aqoonsi Dowladeed.

Waxaa shirkaasi ka qeybgalay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed,Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxaa,xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiisha laamaha ammaanka Dowladda Soomaaliaya,kaasi oo siweyn loogu gorfeeyey sidii la isaga kaashan lahaa xaqiijinta amniga caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...