Wasiirka Amniga XFS” Ciidamada amniga shardi ugama dhigi karaan dadweynaha wadooyinka maraya in ay wataan aqoonsi Dowladeed.

Date:

Muqdisho(SONNA) Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka Dowladda aysan shardi uga dhigi karin Dadweynaha waddooyinka maraya in ay wataan aqoonsi Dowladeed.

Wasiirka oo maanta ka qeybgalay kulan deg deg ah oo looga hadlayaya xoojinta ammaanka magaalada Muqdisho oo lagu qabtay Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayaa siweyn uga hadlay ahmiyadda ay leedahay wada shaqeynta shacabka iyo hay’adaha ammaanka,sida uu ku soo waramayo Wariyaha SONNA Nuur Siciid Tahliil oo kusugan degmadaasi.

Wuxuu sheegay Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale in laga bilaabo maalinta sabtida ah ee soo socota uu dhaqan geli doono go’aanka ku aadan in shacabka isticmaalaya waddooyinka aan lagu xujeyn Karin in ay wataan aqoonsi Dowladeed.

Waxaa shirkaasi ka qeybgalay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed,Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxaa,xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiisha laamaha ammaanka Dowladda Soomaaliaya,kaasi oo siweyn loogu gorfeeyey sidii la isaga kaashan lahaa xaqiijinta amniga caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...