Khilaafka Iiraan iyo Mareykanka oo cirka isku shareeraya

Date:

Muqdisho(SONNA) Xasan Ruuxaani, Madaxweynaha Dalka Iiraan, ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka Golaha Guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ee Newyork ayaa si kulul u dhaleeceeyey hadal uu dalkiisa ku weeraray  Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Madaxweynaha Iiraan ayaa ku tilmaamay hadalkii madaxweryne Trump mid uu ka muuqday nacayb iyo waxlaga xumaado,taasi oo uu isna jawaab ka bixiyay,wuxuuna intaasi ku daray dalkiisa aanu wax cabsi ah ka qabain hanjabaadda Mareykanka,kadib markiia Trump uu sheegay in Iiraan ay ku sifowday musuqmaasuq baahsan iyo colaad hurin.

Khudbadiisa ayuu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump  ku eedeyeey Xukuumadda Tehraan in ay hurinayso colaadaha ka taagan Bariga dhexe,kana soo horjeedo geedi socodka nabadda.

Madaxweyne Trump ayaa ugu baaqay Iiran in ay joojiso taageerada ay u fidiso argagixisada isla markaana waxa uu cambaareeyay heshiiskii uu Obama la galay Iiraan.

Hadal isna uu ka jeediyay shirka Golaha guud ee QM madaxweynaha wadanka Iiraan Xasan ruuxaani ayaa ku difaacay heshiiskii dalkiisa uu la galay maamulkii Obama, waxa uuna sheegay in Iiran ay si adag uga jawaabi doonto hadii dal kamid ah kuwii heshiiska barnaamijka nukliyerka saxiixay u ku xadgudbo.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa wajahayo culeyso badan oo isugu jira dhinacyada Diplomaasiyadda iyo siyaasadda,kadib markii wadamo badan oo caalamka kamid ah oo ka dhigtay cadow,sida Kuuriyada Waqooyi oo uu Mareykanku u arko Cadowgiisa,Ruushak o khilaaf uu kala dhexeeyo,Iiraan Venezuela,iyo Cubba

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...