Xildhibaannada Golaha shacabka oo ka doodayo arrimo dhowr ah

Date:

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa maanta kulan ay kaga doodayaan arrimo dhowr ah oo ku saabsan marxaladda dalka ku yeelanaya xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlayaa saddex arrin, iyadoo ajandaha koowaad uu yahay in akhrinta koowaad la marsiiyo Hindise Sharciyeedka Caafimaadka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Ajandaha labaad ayaa ah akhrinta koowaad ee heshiiska dowladda Soomaaliya ay la gashay India ee ku saabsan isdhaafsiga Maxaabiista ee lagu doonayo in maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Dalka India loo soo wareejiyo dalka, halka ajanadaha saddexaad uu yahay dhageysiga warbixinta guddiga gaadiidka oo faah faahsan.

Heshiiska isdhaafsiga Maxaabiista ee ay kal hore kala saxiixdeen labada dowladood waxaa dhanka Soomaaliya u saxiisay Wasiirka Arrimaha dibadda Mudane Yuusuf Garaad Cumar, waxaana haatan qorshuhu yahay in Baarlamaanka Soomaaliya ay meelmariyaan heshiiskan si dowladda ay fursad ugu hesho in lagu soo wareejiyo boqolaal maxaabiis ah oo ku xiran xabsiyada dalka India kuwaasi oo ku eedeysan falal burcad badeednimo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...