Xubno ka tirsan Guddiga difaaca Golaha shacabaka iyo Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada oo Socdaal ku maraya Gobolka Bakool

Date:

Xildhibaane Maxamed  Xuseen  Afaraale oo ka mid ah gudiga difaaca ee Golaha shacabka  gudoomiyaha maxkamada sare ee cidamada qalabka sida Generaal Liibaan Cali yerow  iyo sidoo kale gudoomiyaha darajada koowaad ee maxkamada Ciidamada qalabka sida iyo saraakiil uu ka mid yahay taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidiamada Xoogga Dalka oo maalmahan ku sugnaa Gobolka Bakool ayaa kormeeray xarumaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Gobolka Bakool.

Sidoo kale ujeedka wafdiga ayaa waxa uu aha sidii maxkamada Ciidamada qalabka sida Xafiis ay leedahay looga hir gelin lahaa Gobolkaasi iyo siday Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ula dhaqmi lahaayeen hadii ay gacanta ku dhigaan Maleeshiyaadka al shabaab iyo dadka Xiriirka la leh intaba.

Gudoomiyaha darajada koowaad ee maxkamada Ciidamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute  ayaa kula dardaarmay Ciidanka in marka ay gacanta ku dhigaan qof  ka tirsan maleeshiyadka nabad diika Al shabaab ay gudbiyaan hay’adaha kale ee ku shaqada leh si sharciga loo marsiiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...