Wasiirka Amniga XFS”Waxaa la dhisayaa 32 kun oo Booliska isku dhaf ah oo Amisom kala wareega Amniga

Date:

Muqdisho(SONNA) Shirkani  oo socon doono muddo sedax maalmood ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka furey Wasiirka Aminga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,kaasi oo u dhexeeya saraakiisha Booliska Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed.

Ujeedada shirkani wadatashiga aha ayaa la xiriirta qorshayaal ku aadan sidii loo dhisi lahaa ciidamo isku dhaf ah oo Boolis ah, kuwaasi oo isugu jira heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, si ay isaga kaashadaan sugidda Amaanka Dalka iyo in Amisom ay kaal wareegaan guud ahaan Ammaanka Dalka.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmed Abuukar Islow Ducaale ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA uga warramay u jeedka shirkaasi, isagoo sheegay in la dhisayo ciidamo booliska ah oo gaaraya 32 kun, kuwaasi oo Amisom ka la wareegidoona Amniga Dalk.

“Waxaa maanta halkani isugu yeernay saraakiisha booliska Heer Federaal iyo heer Dowlada Goboleed, waxaana looga hadlaya qorshaha lagu dhisayo ciidamo Qaran,kuwaasi oo Amisom kala wareegay Amniga Dalka marka ay baxaan 2021,sida ay ku heshiyeen Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, sida aad ogtihiin shirkii London waxyaabohii ka soo baxay waxaa kamid ahaa in la dhiso 18 oo Ciidan Militari ah iyo 32 kun oo Boolis ah, kuwaasi oo ukala baxaya, Darwiish iyo ilaalada Xeebaha”, ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal C/xakiin Daahir Siciid Saacid ayaa ku booriayay saraakiisha ka qeyb qaadanaysa shirkani in ay la yimaadaan karti iyo aragti wanaagsan oo ay ugu adeegayaan bulshada Soomaaliyeed,wuxuuna balan qaaday in aragti midaysan ay ku lafagurayaan dooda shirka,si loo helo natiijo wanaagsan.

Waxaa shirkani goob joog ka ahaa saraakiil ka socotay Hay’adaha Qaramada Midoobey ee taageera Hay’adaha Dowladda iyo tababarayaal Boolis, kuwaasi oo qeyb ka qaadanaya tayaynta ciidamada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...