Shirkii Baarlamaanada IGAD oo Suudaan ku soo gaba gaboobey

Date:

Muqdisho(SONNA) Magaalada Khartuum ee xarunta Dalka Suudaan waxaa lagu soo gabagabeeyay shir socday muddo seddax maalmood ah,kaasi oo ay isugu yimaadeen Guddoonada Baarlamaanadda ku mideysan Urur Goboleedka IGAD, iyadoo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad uu shirkaasi ka sheegay in Dowladda Soomaaliya ay bixineyso dhamaan kaalmooyinka looga baahdo .

Shirkan socday mudo sadax maalmood ah ayaa waxaa diirada lagu saarayay sidii iskaashi buuxa oo wadashaqeyn ah u dhexmari lahaaa dhamaan Baarlamaanadda Geeska Afrika ee ku mideysan Urur Goboleedka IGAD si wada jirna looga hortago arrimaha Abaaraha, Tahriibka, Macluusha , iyo Isbadalka Cimiladda,waxaana goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlmaanka Dalka Suudaan oo marti galinayay Shirka.

Mahad Cabdalla Cawad Guddoommiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya oo shirkaasi markuu soo idlaaday ka dib la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in qodobo wax ku ool ah ka soo baxeen shirkan loogana fadhiyo Dal walba in Baarlamaankiisa horgeeyo dhamaan waxyaabihii lagu heshiiyay si ay u meel maraan qodobadaasi.

Sidoo kale Gudoommiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa tibaaxay in Guddoomiyaha Goloha Shacabka ee Dowladda aan Walaalaha nahay ee Jabuuti Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminayo dhawaan imaan doonaan Magaalada Muqdisho Bisha November kana jeedin doono khudbad taariikhi ah.

Horey waxaa Soomaaliya u yimid guddoomiyihii baarlamaanka Jabuuti Alla u naxriistee Idiris Arna ‘Uud Cali oo ahaa guddoomiyihii  Baarlamaanka Jabuuti ee geeriyooday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...