Shirkii Baarlamaanada IGAD oo Suudaan ku soo geba geboobey

Date:

Magaalada Khartuum ee xarunta Dalka Suudaan lagu soo gebagebeeyey shir socday muddo sedax maalmood ah,kaasi oo ay isugu imaadeen Guddoonada Baarlamaanadda ku mideesan Urur Goboleedka IGAD iyadoo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane  Mahad Cabdalla Cawad shirkaasi ka sheegay in Dowladda Soomaaliya ay bixineyso dhamaan kaalmooyinka looga baahdo .

Shirkan socday mudo sadax maalmood ah ayaa waxaa diirada lagu saarayay sidii iskaashi buuxa oo wada shaqeyn ah u dhexmari lahaaa dhamaan Baarlamaanadda Geeska Afrika ee ku mideysan Urur Goboleedka IGAD si wada jirna looga hortago arrimaha Abaaraha, Tahriibka, Macluusha , iyo Isbadalka Cimiladda,waxaana goob joog ahaa Guddoomiyaha Baarlmaanka Dalka Suudaan oo marti galinayay Shirka.

Mahad Cabdalla Cawad Guddoommiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya oo shirkaasi markuu soo idlaaday ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qodobo wax ku ool ah ka soo baxeen shirkan loogana fadhiyo Dal walba in Baarlamaankiisa horgeeyo dhamaan waxyaabihii lagu heshiiyay si ay u meel maraan qodobadaasi.

Sidoo kale Gudoommiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa tibaaxay in Gudoomiyaha Goloha Shacabka ee Dowladda aan Walaalaha nahay ee Jabuuti Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminayo dhawaan imaan doonaan Magaalada Muqdisho Bisha November kana jeedindoono khudbad taariikhi ah.

Horey waxaa Soomaaliya u yimid guddoomiyihii baarlamaanka Jabuuti Alla u naxriistee Idiris Arna ‘Uud Cali oo ahaa guddoomiyihii  Baarlamaanka Jabuuti oo geeriyooday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...