Booliska Soomaaliya oo kala wareegay qalab Xafiiseed Booliska AMISOM

Date:

Muqdisho (SONNA) Qalabkan oo ay ku deeqday Dowlada Denmark loona soo mariyay Ciidamada booliska AMISOM ayaa waxaa Booliska Soomaaliyeed ku wareejiyay Ms. Christine Alalo oo ah taliye ku xigeenka booliska AMISOM,  iyada uu ka guddoomay Genaral Ahmed Hassan Maalin,Taliyaha Booliska ee Gobolka Banaadir.

“Waxaan leenahay shaqo na loo idmaday waxaana kamid ah inaan caawino Booliska Soomaaliyeed haday ahaan laheyd dhisida aqoontooda,Tababaro ku saabsan Daba gallada, Taageerista xiliyada Howlgalada, anagoo taas kaduuleyno waxaan samaynay.FPU (Formed Police Unit) kuwaas u shaqeeyo si joogto ah. Waxaan sidoo kale leenahay qorshooyin aan ku caawino oo ay kamid tahay Qalabka iyo dhamaan howlaha lagama maarmaanka u ah iney ku shaqeeyaan booliska Soomaaliyeed”. ayay tiri Ms.Allala markii ay ku wareejineysay qalabka Booliska.

Qalabkan oo ka koobnaa Komputaro, nalalka cadceeda ku shqeeyo, Printiro iyo qalab kale ayaa loo qaybin doonaa saldhigyada booliska Gobolka Banaadir.

General Maalin ayaa ka mahad celiyay Deeqda lagu wareejiyay Booliska Soomaaliyeed, asagoo sheegay in qalabkan uu ka caawin doono xoojinta Sharciga iyo ku dhaqankiisa, isla markaana loo qeybin doono 4 xarumood oo kamid ah saldhigyada gobolka Banaadir.

AMISOM ayaa ka caawisa booliska Soomaaliyeed Tababarada iyo Agabyada Xafiisyada, iyadoo ay ka dhaxeyso wada shaqeyn aad u wanaagsan.

Christine Alalo, the Deputy Police Commissioner of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) hands over office equipment donated by AMISOM to the Somali Police Force in Mogadishu, Somalia on September 18, 2017. AMISOM Photo / Mohamed Haji

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Hambalyo u diray Ciidanka Cirka Xuska Sanad-guuradii 66-aad

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay...

Wasiirka Beeraha oo booqasho ku tegay qaar ka mid ah beeraha degmada Afgooye

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed...

Safiirka JFS ee K/afrika oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Koonfur Afrika,...