Mashruuc biyo dhaamin ah oo laga daahfuray Baydhabo

Date:

Muqdish0(SONNA) Kulanka Daahfurka Mashruuca Biyo dhaaminta ah,  ayaa waxaa ka soo qeyb galey Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cusmaan libaax Ibraahim, Guddoomiyaha Gobolka Bay,Duqa Degmada Baydhabo, iyo xubno ka socday Hay’adda UNICEF.

Cusmaan Libaax Ibraahim Wasiir ku xigeenka Wasaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya oo u waramayaya Wakaaladda SONNA ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedada mashruucaasi.

“Ujeedada mashruucan ayaa ah in biyo dhaamn loo sameeyo ilaa 48 kun qof oo u dhigma 800 oo qoys oo barakacyaal ah,kuwaasi oo Baydhabo kunool,muddo 2 bilood ah, qorshaha guud ayaa ah in 1 milyen oo qoys loo sameeyo biyo dhaamin,waxaana iska kaashanaya Wasaaradaha Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Dowladda Soomaaliya iyo tan Koonfur Galbeed,waxaana taageeraya UNICEF maadaama barakacyaasha ugu badan ay ku noolyihiin halkani”, Ayuu yiri Mudane Cusmaan Libaax.

Guddoomiyaha Gobolka Bay Mudane Cali Wardheere C/raxmaan iyo Duqa Degmadda Baydhabo C/llaahi Cali Watiin, ayaa si wadajir ah u soo dhoweeyey masharuuca biyo dhaaminta ah, iyagoo sheegay in  muhiim uu u yahay bulshada ku nool deegaanada Koonfur Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...