Mashruuc biyo dhaamin ah oo laga daahfuray Baydhabo

Date:

Muqdish0(SONNA) Kulanka Daahfurka Mashruuca Biyo dhaaminta ah,  ayaa waxaa ka soo qeyb galey Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cusmaan libaax Ibraahim, Guddoomiyaha Gobolka Bay,Duqa Degmada Baydhabo, iyo xubno ka socday Hay’adda UNICEF.

Cusmaan Libaax Ibraahim Wasiir ku xigeenka Wasaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya oo u waramayaya Wakaaladda SONNA ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedada mashruucaasi.

“Ujeedada mashruucan ayaa ah in biyo dhaamn loo sameeyo ilaa 48 kun qof oo u dhigma 800 oo qoys oo barakacyaal ah,kuwaasi oo Baydhabo kunool,muddo 2 bilood ah, qorshaha guud ayaa ah in 1 milyen oo qoys loo sameeyo biyo dhaamin,waxaana iska kaashanaya Wasaaradaha Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Dowladda Soomaaliya iyo tan Koonfur Galbeed,waxaana taageeraya UNICEF maadaama barakacyaasha ugu badan ay ku noolyihiin halkani”, Ayuu yiri Mudane Cusmaan Libaax.

Guddoomiyaha Gobolka Bay Mudane Cali Wardheere C/raxmaan iyo Duqa Degmadda Baydhabo C/llaahi Cali Watiin, ayaa si wadajir ah u soo dhoweeyey masharuuca biyo dhaaminta ah, iyagoo sheegay in  muhiim uu u yahay bulshada ku nool deegaanada Koonfur Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...