Xaflad mas’uuliyiin kala duwan ka qeybgaleen oo Caabud waaq lagu qabtay-Sawirro

Date:

Caabudwaaq (SONNA) Munaasabaddan lagu daah furayay sanad waxbarasheedka 2017/2018 Jaamacadda Galgaduud University ee degmada Caabudwaaq ayaa waxaa ka soo qayb galay maamulka iyo ardayda jaamacadda, qaybaha kala duwan ee bulshada, mas’uuliyiin ka socotay maamulka degmada iyo wasiiro ka tirsan dawalada goboleedka Galmudug.

Maamulaha jaamacadda Galgaduud Maxamuud Dirir oo ugu horeyn ka hadlay furitaanka xafladda ayaa sheegay in ay fursad weyn tani tahay Waxbarashada ay bixiso Jaamacadda, loona baahan yahay in laga faa’ideysto.

Guddoomiyaha Ururka Ardayda jaamacadda Mahad Duco iyo Cabdulqadir faarah Cabdulle oo kamid ah ganacsatada degmada ayaa kaga mahad celiyay maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda dadaalka ay ku dhisayaan garaadka aqoonta bulshada.

Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka degmada Muuse Maxamed Inji, Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga dawlad Goboleedka Galmudug Mahad Xasan Maxamed ayaa hadalo ay ka soo jeediyeen gababagadii munaasabada waxaa ay ku sheegeen inay soo dhaweynayaan horumarka ay samaysay Jaamacadda Galgaduud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay munaasabadda calan-saarka 1-da Luuliyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...