Wasaarada Dhallinyarada oo qalab isboorti ka guddoontay dalka Jabuuti

Date:

Wasiirka wasaarrada dhallinyarada iyo cayaaraha xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa ka guddoontay safiirka Jabuuti u fadhiyo Soomaaliya Aadan Xasan Aadan, qalab isboorti oo dowladda Jabuuti ay ugu tallogashay dhallinyaradda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdiqani Saciid Carrab, ayaa yiri: “Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxa uu ka qeyb qaatay horumarka kubadda cagta Soomaaliya, kullamadda loo qorsheeyay inaan ku ciyaarno dalkeenna inta badan waxaan ku dheelnaa Jabuuti.”

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay safiirka Jabuuti u fadhiyo Soomaaliya Aadan Xasan Aadan, waxanna uu sheegay: “Deeqdan qalabka cayaaraha ah waxa ay ka timid madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo marwaddiisa Khadro Xeyd, waxa uu qalabkan ka koobban yahay nooc walba oo ciyaaraha haddii ay noqon laheyd kubadda cagta, Kolayga, Gacanta, cayaaraha fudud, xitaa waxaa ku jira qalabka dabbaasha.”

Ugu dambeyn waxaa munaasabadda ka hadlay wasiirka wasaarrada dhallinyaradda iyo cayaaraha xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye waxanna ay tiri:” Waxaan u mahadcelinayaa bulshadda reer Jabuuti oo ay ugu horreeyaan Aabbaha Soomaaliyeed Ismaaciil Cumar Geelle iyo Hooyadda Soomaaliyeed Khadra Maxamuud Xeyd, runtii marwalba waxa ay qaataan door aan la iloobbi karin, waana uga mahadcelineynaa qalabkan isboorti ay nasoo gaarsiiyeen.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...