Maamulka Gobolka Hiiraan”Waxaan si buuxda u taageeraynaa madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle

Date:

Muqdisho(SONNA) Kadib Shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Baladwyen ee xarunta Gobolka Hiiraan,guddoomiyha gobolka ayaa  kaga hadlay  xaaladda gobolka, waxaana uu soo dhaweeyay Madaxwaynaha cusub ee Hirshabeelle oo ay doorteen xildhibaanada baarlamaanka HirShabeele.
Cumar Aadan Ibraahim Baadiyo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baladwyene Waxa uu hambalyo udiray Madaxweynaha cusub ee Dowlad goboledka hirshabele  Mudane Maxamed Cabdi Awaare, waxaana uu shacabka Hirshabeelle ugu baaqay inay la shaqeeyaan maamulka.

“Waxaan soo dhaweynayaa guusha uu gaaray madaxweynaha cusub ee la doortay hirshabeelle,waxaan u diraynaa hambalyo iyo bogaadin,waxaana shacabka reer Hirshabeele aan ka codsanayaa in ay la shaqeeyaan hoggaanka cusub”,ayuu yiri Guddoomiye Baadiyow.

Dhinaca kale Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyay howgal ciidanka xooga dalka soomaliyeed ay kubaacsanayaa maleeshiyaad katirsan kooxda Shabaab, isagoo xusay in ciidamadu ay ka hor tageen weerar ay koxdaasi ku soo qaadeen deegaanka Kalabeyr oo qiyasti 25 km dhanka Waqooyi kaga beegan magalaada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in xaaladda deegaanku ay tahay mid degan iyo nawaaxigeeda ayna si buuxda ugu sugan yihiin ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed,isagoo intaasi ku daray in maleeshiyada Shabaab laga sifeyn doono guud ahaan Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...