Maamulka gobolka Hiiraan”Waxaan si buuxda u taageeraynaa madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle

Date:

Kadib Shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Baladwyen ee xarunta Gobolka Hiiraan,guddoomiyha gobolka ayaa  kaga hadlay  xaaladda gobolka, waxaana uu soo dhaweeyay Madaxwaynaha cusub ee Hirshabeelle oo ay doorteen xildhibaanada baarlamaanka HirShabeele.
Cumar Aadan Ibraahim Baadiyo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baladwyene Waxa uu hambalyo udiray Madaxweynaha cusub ee Dowlad goboledka hirshabele  Mudane Maxamed Cabdi Awaare, waxaana uu shacabka Hirshabeelle ugu baaqay inay la shaqeeyaan maamulka.

“Waxaan soo dhaweynayaa guusha uu gaaray madaxweynaha cusub ee la doortay hirshabeelle,waxaan u diraynaa hambalyo iyo bogaadin,waxaana shacabka reer Hirshabeele aan ka codsanayaa in ay la shaqeeyaan hoggaanka cusub”,ayuu yiri Guddoomiye Baadiyow.

Dhinaca kale Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyay howgal ciidanka xooga dalka soomaliyeed ay kubaacsanayaa maleeshiyaad katirsan kooxda Shabaab, isagoo xusay in ciidamadu ay ka hor tageen weerar ay koxdaasi ku soo qaadeen deegaanka Kalabeyr oo qiyasti 25 km dhanka Waqooyi kaga beegan magalaada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in xaaladda deegaanku ay tahay mid degan iyo nawaaxigeeda ayna si buuxda ugu sugan yihiin ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed,isagoo intaasi ku daray in maleeshiyada Shabaab laga sifeyn doono guud ahaan Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.  

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (10-ka December)...

Wasiir Arrimaha gudaha XFS oo soo dhaweeyay muwaadiniin dib loogu soo celiyay dalka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane...

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...