Maamulka gobolka Hiiraan”Waxaan si buuxda u taageeraynaa madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle

Date:

Kadib Shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Baladwyen ee xarunta Gobolka Hiiraan,guddoomiyha gobolka ayaa  kaga hadlay  xaaladda gobolka, waxaana uu soo dhaweeyay Madaxwaynaha cusub ee Hirshabeelle oo ay doorteen xildhibaanada baarlamaanka HirShabeele.
Cumar Aadan Ibraahim Baadiyo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baladwyene Waxa uu hambalyo udiray Madaxweynaha cusub ee Dowlad goboledka hirshabele  Mudane Maxamed Cabdi Awaare, waxaana uu shacabka Hirshabeelle ugu baaqay inay la shaqeeyaan maamulka.

“Waxaan soo dhaweynayaa guusha uu gaaray madaxweynaha cusub ee la doortay hirshabeelle,waxaan u diraynaa hambalyo iyo bogaadin,waxaana shacabka reer Hirshabeele aan ka codsanayaa in ay la shaqeeyaan hoggaanka cusub”,ayuu yiri Guddoomiye Baadiyow.

Dhinaca kale Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyay howgal ciidanka xooga dalka soomaliyeed ay kubaacsanayaa maleeshiyaad katirsan kooxda Shabaab, isagoo xusay in ciidamadu ay ka hor tageen weerar ay koxdaasi ku soo qaadeen deegaanka Kalabeyr oo qiyasti 25 km dhanka Waqooyi kaga beegan magalaada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in xaaladda deegaanku ay tahay mid degan iyo nawaaxigeeda ayna si buuxda ugu sugan yihiin ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed,isagoo intaasi ku daray in maleeshiyada Shabaab laga sifeyn doono guud ahaan Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...