Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta oo ka shiray dib u dhiska Soomaaliya.

Date:

Shirkii 148 ee Wasiirada arrimaha dibada ee jaamacada carabta oo Soomaaliya ay ku jirto ayaa lagu qabtay Magaalada Qaahir ee caasimadda Dalka Masar,kaasi oo looga hadlayay arrimo ay kamid yihiin wadamada xasaraduhu ay kajiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa shirkaasi waxaaa uga qeybgalay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Axmed kheyr iyo wefddi uu hoggaminayo oo jooga dalkaasi Masar iyadoo shirkaasi si gaar ah diiradda loogu saarey Arrimaha Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyaay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabaha shirkaasi looga hadlay.

“Ajandayaasha jaamacadda carabta sanad walba waa la sii qorsheeyaa inta uu shirka dhicin,ajandayaasha shirkan waxay ahaayeen sidii loo taageeri lahaa qadiyadaha taagan hadda meelaha xasaradaha ay ka taagan yihiin sida Falastiin,Suuriya , Lubnaan, Liibiya iyo Yamen, anaga waxa naga quseeya in la taageero Soomaaliya”,Ayuu yiri wasiiru Dowlaha

“hadda ka hor Jaamacadda Carabta ayaa go’aan ka soo saartay in la taageero Dowladda  Soomaaliya marka taageeradaas ayaa rabnay inan sii xoojino oo wajiyo kala duwan leh , taageerada marka la rabo in la sameeyo mashruuc waxaa jira la yiraahdo Dib u dhiska Soomaaliya oo la rabo in la qaban qaabiyo mid kale waxaa jiro  taakuleynta waxbarashada Soomaaliya oo isagana la rabo in  shir gooni ah loo qabto oo Dowladda Kuwait ay qaban qaabin doonto”,Ayuu intaasi ku daray. Mudane C/qaadir Axmed Khayre.

Dhanka kale Wasiiru Dowlaha ayaa si gaar ah u la kulmay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Masar, Ciraaq iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Dalka Tunisia,iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ay Dowladda Soomaaliya la lee yihiin .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...