Guddiga Taakuleynta Ciidamadda oo daah furay Barnaamijkooda.

Date:

Muqdisho(SONNA):–Shiikh Nuur Baaruurd Gurxan oo ah Gudoomiyaha Gudiga Taakulaynta Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka war bixiyay Waxyaabihii u qabsoomay Guddiga tan iyo markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday, isagoo sheegay in la daahfuray Barnaamijka Taakuleynta Ciidamada Qalabka Sida.

Sheekh Nuur ayaa u mahadceliyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Caalamka isagoo tilmaamay inay ka imaanayaan jaaliyada Soomaaliyeed codsiyo ku aadan Taakulaynta Ciidamada.

 

‘Waxaan u mahadcelinaynaa Jaaliyadda soomaaliyeed ee ku Nool Dalka dibadiisa kuwaasoo Xili walaba Nalal Soo xirira sidii ay u Taakuleyn lahayeen Ciidanka Qaranaka soomaliyeed ,Barnaamijkeena taakuleynta Ciidamadda waa la daah furay.” ayuu yiri Seekh Baruud Gurxan

Gudoomiyaha Gudiga Taakulaynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa dhanka kale soo hadal qaaday inay qorshaha guddiga ay tahay ka warqabida iyo garab istaaga Ciidamada Naafada qaranka iyo Qoysaskooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday Guddi loogu talo galay taakulaynta Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...