Dowladda Federaalka oo diyaarineysa Siyaasadda iyo Sharciga Tahriibka

Date:

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Mohamed Guled (Khadar) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Guddiga heer Wasiir ee Maareynta Siyaasada Tahriibka oo lagu qabtay Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiirada Dastuurka, Haweenka & Xaquuqul Insaanka, Qorsheynta, Warfaafinta, Shaqaalaha, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiir ku xigeenada Maaliyada iyo Dhalinyarada, Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Tahriibka iyo Xaquuqda Caruurta, Agaasimaha Guud ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Madaxa ACU iyo mas’uuliyiin kale.

Kulankan muhiimka ah ayaa looga hadlay muhiimada ka hor-taga tahriibka oo dhib weyn ku haya dhalinyarada dalka, oo in badan ay khasaaro ka soo gaartay iyagoo badaha dunida ku tahriibaya. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Xukuumada ay ahmiyad gaar ah siineyso tahriibka, kuna baaqay in siyaasad iyo sharciyadba laga soo diyaariyo si kulanka danbe looga wadatashto.

Maryam Yasin oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Tahriibka & Xaquuqda Carruurta ayaa ka warbixisey horumarka ay Guddiga ka gaareen u ololeynta arrimaha tahriibka iyo xaquuqda carruurta, sheegteyna in kulankan heerka wasiir ah looga baahanyahay dar-dargelinta diyaarinta siyaasada iyo sharciga Tahriibka oo muhiim u ah dalka.

Wasiirada kulanka ka qeybgalay ayaa ku nuuxnuuxsaday ahmiyada isku-xirka iyo xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta hay’adaha dowliga ah bacdamaa arrinka Tahriibka uu saameynayo hay’ado badan, loogana baahanyahay in laga wada shaqeeyo si dhalinyarada loogu abuuro shaqo, looga wacyigeliyo khatarta tahriibka, loona dareensiiyo in dalkooda ay horumariyaan ay uga fiicantahay tahriib iyo inay naftooda geliyaan khatar weyn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka,...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo...