37 qof oo qoxooti ah oo lagu dilay rabashado ka dhacay Dalka Congo

Date:

Muqdisho(SONNA) Ilaa 37 qof oo qoxooti ah ayaa lagu dilay 117 kalena waa lagu dhaawacay Dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo,xilli dadkasi sameynayeen banaan- baxyo ay kaga soo hor jeedeen in dalkaasi Congo laga musaafuriyay ilaa 4 qof oo kamid ah qoxootiga ka yimid dalka Burundi.

War ka so baxay Howlgalka Nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee MONUSCO ayaa lagu  sheegay in dadkaasi ay dilkoodi ka dambeeyeen Ciiddamada Amaanka ee dawladu,baaqna ay ka soo saaray rabshadahaasi oo sidoo kale uu ku dhintay askari katirsan ciidamada ammaanka.

Florence Marchal waa ku simaha Afhayeenka Howlgalka Nabad ilaalinta Qaramada midoobeay ee dalka Kongo, iyada oo ku sugan magalada Kinshasa ayaa waxay ugu baaqday ciddamada Ammaanka in ay xaalada xakameyaan.

Jimmy Nemeyimana waa qaxooti ku nool xero ku taala magaalada Kamanyola oo ah halka colaadu ay ka dhacday. Waxaa u sheegay in sarkaal ka tisan deegaankaasi  u booqday maalmo yar uun ka hor halkaas, waxaa uuna sheegay in xukkumadu ay ka war hayso waxaa halkaasi ka socday.

Boqolaal kun oo qaxooti reer Burundi ayaa dalkooda isaga qaxay kadib, markii colaad ay dalkaasi ka dhaqan gashay go’aankii madaxweyne Pierre Nkurunziza ku doonayay in uu xafiiska uu mar saddexaad u tartamo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bannaanbax looga soo horjeedo damaca YH-da Israel oo ka socda degmada Afgooye. 

Bannaanbax weyn oo si nabadeed u dhacay ayaa maanta...

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay mar kale faragelin Israa11l ee madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo lagu wado inay ka dhacaan gobolka Hiiraan.

Qaban-qaabada isu-soo-baxyo ballaaran oo lagu taageerayo midnimada iyo wadajirka...

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida...