Mudug: Hay’adaha Samafalka oo loogu baaqay inay gurmad gaarsiiyaan Bacaadweyne “SAWIRRO

Date:

Mudug (SONNA) Kaddib markii caqabado ka jiray mudooyinkii u danbeeyay deegaanka Bacaadweyne iyo deegaanno kale oo ka tirsan kuwa Gobalka Mudug ay sababeen in muddo ka badan 9 bilood ay suurta gal noqan waayeen in gurmadyada samafalka la gaarsiiyo kumanaan qoys oo ku dhibaateeysan deegaanadaasi, isla markaana ka mida qoysaska Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu kasoo gaartay abaaraha iyo biyo la’aanta ka jira Gobalka Mudug ayaa waxaa maanta qaar ka mida masuuliyiinta waxgaradka iyo culimaa’udiinka deegaanadaasi oo ku teedsan dhul qiyaas ahaan gaaraya 160km ay sheegeen in xal laga gaaray caqabadihii keenay in muddo ku dhawaad hal sano ah aysan deegaanadaasi helin wax gurmad samafal ah.

Qeybaha kulmay ayaa waxa ay ugu baaqeen hay’adaha samafalka in gurmad dag dag ah lala soo gaaro bulshada ku nool deegaanadaasi kuwaasi oo ay sheegeen in ay heysato dhibaatooyin la xariira dhanka nolasha, maadaama aysan helin muddo 9 bilood ah wax gurmad ah, iyadoo nolashooduna ay saameeyn ku yeesheen abaaraha ka jira halkaasi

Guddoomiyaha Deegaanka Bacaadweyne Axmed Daahir Macalin ayaa sheegay in ay ku guuleysteen sidii loo dhameyn lahaa arrimo ka jiray deegaanka Bacaadweyne iyo degaano kale oo ka tirsan Gobalka Mudug, taasoo uu tilmaamay in ay keentay in kumanaan qoys oo ku nool degaanadaasi ay soo wajahdo dhibaatooyin nolaleed.

Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta kale ee ka socday deegaanada ay dhibaatooyinka ka jiraan ayaa si isku mid ah waxay ugu baaqeen hay’adaha Gar gaarka, Madaxda Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo dowladda Federaalka in loo soo gurmado shacabka ku dhibaateysan deegaanka Bacaadewyne iyo tuulooyinka ku xeeran.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya iyadoo laga deyrinayo xaalada kumanaan qoys oo ku nool deegaanada Bacaadweyne, Kala-Bayr iyo kuwa kale oo ka mida deegaanada dhaca dhinaca Bariga Gobalka Mudug.

C/risaaq Gaalkacyo 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo 34 Sano kadib dib u howlgalisay Maamulka tooska ah ee Boostada Caalamiga ah 

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoonka labada Aqal oo kulan la qaatey Guddiyada dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan...

Xidhibaan Qawdhan oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka 

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda...