Madaxweynaha Jubbaland”waxaa la bilaabayaa howlgaladii sifeynta Shabaab”

Date:

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo safar shaqo ku joogo Gobolka Gedo ayaa gaaray Magaalada Beled-Xaawo,isagoo booqday Xero Ciidan oo ay Ciidamada Darawiishta Jubbaland ku leeyahiin duleedka Magaalada Beled-Xaawo,halkaas oo dhawaan ay weerar ku qaadeen Kooxda Al-Shabaab.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay wehelinayaan Saraakiil sare oo katirsan Jubbaland iyo xubno labada gole ka socda waxaa ay soo kormeereen xerada oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Jubbaland,iyadoo Madaxweynuhu uu Khudbad dhiiro gelin ah u jeediyay Askarta.

Madaxweynaha Jubbaland Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu ku amaanay sida ay dhabar adayga ku dayashada mudan u muujiyeen Ciidamada qalabka sida oo maalmo ka hor iska caabiyay weerar ay ku qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Isagoo ka hadlayay dhibaatada ka jirta wadanka,ayuu sheegay Madaxweynahu, in Jubbaland looga baahan yahay isku tashi dhinaca amaanka ah iyo in ay sida ugu dhaw u bilaabanayaan hawlgalada Al-Shabaab lagaga xoraynayo meelaha ay  gobolka kaga sugan yihiin.

“Caasimadii Jubbaland waxaa ay wali ku jirtaa gacanta cadawga waxaa hubaal ah in Ciidanka ay tahay in ay halkaas tagaan oo ay xoreeyaan waa idinka Jarmal miyuu cirka inooga soo daadan waa maya” ayuu yiri Madaxweynahu.

Al-Shabaab ayuu sheegay in ay jabeen islamarkaana loo baahanyahay oo kaliya in la is raaciyo firxad kooda.

“Al-Shabaab maanta inagaa Dowlad ahaana ka xoog badan Mustaqbal ahaana idinkaa ka sharaf badan oo ka niyad wanaagsan” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Ciidamadii ka qayb qaatay dagaalkii Al-Shabaab lagu jabiyay ayuu Madaxweynuhu sheegay in la abaal marinayo oo ay helayaan si joogta ah xuquuqda ay leeyahiin loogana baahan yahay in ay ka qayb qaatan hawlgalada la isugu furayo deegaanka.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Axmed Madoobe in uu wakhti badan galin doono isku dubaridka Ciidamada inta uu Gobolka joogo isla markana wax badan oo wanaagsan ay qaban doonan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar 

Muqdisho, Arbaco, 18 Febraayo 2026 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Qalab Casri ah Kala Wareegay Safiirka Soomaaliya ee Turkiga 

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...