Dowladaa Federaalka oo diyaarineysa Siyaasadda iyo Sharciga Tahriibka “SAWIRRO”

Date:

Muqdisho, 16/9/2017 – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Guddiga heer Wasiir ee Maareynta Siyaasadda Tahriibka oo lagu qabtay Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirada Dastuurka, Haweenka & Xaquuqul Insaanka, Qorsheynta, Warfaafinta, Shaqaalaha, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiir ku xigeenada Maaliyada iyo Dhallinyarada, Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Tahriibka iyo Xaquuqda Caruurta, Agaasimaha Guud ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Madaxa ACU iyo mas’uuliyiin kale.

Kulankan muhiimka ah ayaa looga hadlay muhiimada ka hor-taga tahriibka oo dhib weyn ku haya dhalinyarada dalka, oo in badan ay khasaaro ka soo gaartay iyagoo badaha dunida ku tahriibaya. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Xukuumada ay ahmiyad gaar ah siineyso tahriibka, kuna baaqay in siyaasad iyo sharciyadba laga soo diyaariyo si kulanka danbe looga wadatashto.

Maryam Yaasin oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Tahriibka & Xaquuqda Carruurta ayaa ka warbixisey horumarka ay Guddiga ka gaareen u ololeynta arrimaha tahriibka iyo xaquuqda carruurta, sheegteyna in kulankan heerka wasiir ah looga baahanyahay dar-dargelinta diyaarinta siyaasada iyo sharciga Tahriibka oo muhiim u ah dalka.

Wasiirada kulanka ka qeybgalay ayaa ku nuuxnuuxsaday ahmiyada isku-xirka iyo xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta hay’adaha dowliga ah bacdamaa arrinka Tahriibka uu saameynayo hay’ado badan, loogana baahanyahay in laga wada shaqeeyo si dhalinyarada loogu abuuro shaqo, looga wacyigeliyo khatarta tahriibka, loona dareensiiyo in dalkooda ay horumariyaan ay uga fiicantahay tahriib iyo inay naftooda geliyaan khatar weyn.

DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...