Muqdisho(SONNA) Waxaa saaka lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle,taasi oo haatan la dareemayo qaban qaabadeeda.
Mudanayaasha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa dooranaya madaxweynaha cusub ee maamulkaasi,iyadoo ay u taagan yihiin doorashadaasi ilaa 8 musharax,kuwaasi oo dhawaan baarlamaanku uu dhageystay waxqabadka musharaxkasta.
Ammaanka magaalada Jowhar ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo ciidamada nabad geliyada sugaya ay ku sugan yihiin gudaha iyo daafaha magaalada iyo xarunta ay ka dhacayso doorashada.
Waxaa ka qeybgalaya doorashada mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya,Guddiga Doorashooyinka,iyo marti sharaf kale, kuwaasi oo u kuurgalaya qaabka ay u dhacayso doorahsada Madaxweynaha Hirshabeelle.