Ciidamada Xasilinta oo degmada Deyniile howlgalo ka wada,markii rasaas ay kala kulmeen kooxo hubaysan

Date:

Muqdisho(SONNA) Ciidamada isku dhafka ah ee Xasilinta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ku guda jira howlgalo qeyb ka ah sugidda amniga magaalada ayaa la kulmay kooxo hubaysan oo rasaas kala hor yimid ciidamadaasi.

Iska hor imaadkan ayaa yimid markii Ciidamada Xasilinta ay howlgalo ka bilaabeen qeybo kamid ah degmada Deyniile gaar ahaan halka loo yaqaano Haanta-Dheer,halkaasi oo ay ku suganyihiin Ciidamo hubaysan oo ciidamadaasi isku dhaceen lamana xaqiijin karo khasaaraha ilaa iyo haatan.

Sida uu ku soo waramayo wariyaheen Maxamed Xasan Cali oo la socoda Ciidamada Xasailinta,Howlgalka ayaa bilowday gelinkii dambe ee xalay, welina waa  uu socdaa,iyadoo haatan la maqlayo dhawaqa rasaasta.

Qaar kamid ah qoysakii degnaa nawaaxiga Deegaanka Haant-Dheer ee Degmada Deyniile, oo barakacayaal u badan ayaa bilaabay in halkaasi ay isaga cararaan,si ay uga fogaadaan waxyeelo soo gaarta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...