W/Kuurya oo mar kale gantaal  balaastik ah dul marisay hawada Jabaan

Date:

Muqdisho(SONNA)Waqooyiga Kuuriya ayaa markii labaad gantaal balaastik ah dul mariyay hawada dalka Jabaan,taasoo abuureysa xaalad cusub oo ku timid gobolka,kadib markii dalkasi wax ka yar laba isbuuc uu tijaabiyay hubka Niyuklerka.

Gantaalkaasi ayaa gaaraya xagga hawada masaafo dhan 770 km,isagoo socay ilaa 3700 km ,kahor inta uusan ku dhicin badda  Hokkaido ,sida ay ku warameen Mileteriga dalka Koonfurta Kuuriya

Gantaalkaan ayaa la shaaciyay in uu ka farsamo sareeyo,kana xowli badan  yahay midkii bishii la soo dhaafay lagu tijaabiyay hawada dalka Jabaan

R/wasaaraha Japaan  Shinzo Abe ayaa sheegay in dalkiisu uusan u dulqaadan doonin tallaabadaasi qatarta ah ee  gardarada dalka Waqooyiga kuuriya

Koonfurta Korea ayaa wax ka yar daqiiqad jawaab ku bixisay,iyadoo hawada u gantay laba gantaal oo xagga badda ah

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...