Kuweyt iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiis.

Date:

Ankara- (SONNA)- Labada dal Turkiga iyo Kuwet ayaa kala saxiixday heshiisyo la xiriira iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarinta kaabaysha dhaqaalaha, ka gadaal markii uu booqasho martiqaad ah uu dalka Turkiga ku tagay Ra’iisul Wasaaraha  dalka Kuweyt Shekh Jabir Al-mubaarak Al-sabaax

Dhinaca Dowladda Tirkiga waxaa heshiiskaasi u saxiixay Madaxweynaha dalkaasi  Rajab dhayib Ordagan, halka Dowladda Kuweytna  uu u saxiixay Ra’iisul Wasaare  Shekh Jabir Almubaarak Alsabaax,iyadoo qodobada heshiisyadaasi ay laba hogaamiye qalinka ku duugeen ay ka mid yihiin wax wada qabsiga dhinacyada  dulimaadka diyaaradaha Rayidka ah,Canshuuraha, Isgaarsiinta iyo waliba dhinaca kala faaideysiga  aqoonta iyo waaya aragnimada Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada labadaasi dal.

Booqashada uu Ra’iisul Wasaaraha dalka Kuwait  ku tagay dalka Turkiga ayaa imanaysa xiili Dawladda Kuweyt ay waddo dadallo lagu qaboojinayo xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda Qadar iyo Kuwa Khaliijka.

Dowladda Turkiga  ayaa  doonaysaa in xiisadda ka aloosan wadamada Khaliijka qaarkood iyo Dowladda Qadar loo maro hab dibolomaasi ah oo  wada hadal iyo isfaham ah lagana fogaado inay ku lug yeeshaan arrintaasi faragelin kale ee quwado shesheeye.

Sida laga warqabo Dowlada Turkiga iyo Kuweyt ayaa leh xiriir aad u wanagsan  oo ku dhisan istaraatiijiyada iskaashiga laba dhinac  iyo waliba tan wadamada  Islaamka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS “Aqoonsiga Israel ee Somaliland waa xadgudub,waxaana u wajahaynaa si dublamaasi ah

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdullahi...

WARSAXAAFADEED: Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka (GMDHD)

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD),...

Ciidamada amniga oo Khaarijiyay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Taliska La-dagaalanka Argagixisada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka...