Dowladda Somaaliya iyo Hayโ€™adda ICAO oo kala saxiixday heshiis ku saabsan wareejinta Hawada Soomaaliya

Date:

Muqdisho(SONNA) Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo duulisa hawada ee Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Omaar oo ay kamid yihiin Maareeyaha guud ee hay’ada duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yusuf jaalle) iyo ku xigeenkaiisa Axmed Macalin Xasan ayaa ย gaaray magaalada Montreal ee dalka Canada halkaasi oo xarun u ah Ha’yadda duulimaadyada Rayidka Adduunka ee QM oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaaqo ICAO.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa ugu horeyn kulan gaar ah la qaateen xoghayaha guud ee hay’adda ICAO haweenayda lagu magacaabo Drs Fang Lie iyo saraakiil ย sare oo ka socday hay’ada ICAO,waxaana shirkan oo looga hadlay qorshaha looga soo rarayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya maamulka hawada Soomaaliya iyo sidii loo dadejin lahaa in sanadkan gudihiisaย ย maamulka hawada si toos ah loogu soo wareejiyo maagaalada Muqdisho.

Xog-hayaha Guud ee Hay’ada ICAO Dr Fang Lie ayaa sheegtay in Wasiirka iyo wafdigiisa ay yeesheen wadahal miro dhal ah iyo in sida uguย ย dhaqsaha badan hay’ada FISS ee hadda gacanta ku haysa adeega duuliymaadyada Soomaaliya in magaalada Muqdisho lagu soo wareejiyo oo maamulka hawada Soomaaliya xarun u noqoto.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad ayaa u waramay Wakaaladda SONNA Waxuuna sharaxaad ka bixiyay kulanka ay la qaateen Hay’adda.

โ€œKulanka aan la yeelanay madaxda Hayโ€™adda ICAO wuxuu ku saabsanaa sidii maamulka Hawada Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa magaalada Muqdisho,in si dhaqsi ah arrintaasi ay u dhacdo, ayaan ka wada hadalnay,waxaan kala saxiixanay heshiis ku saabsan in Hayโ€™adda FISS oo hadda Nairobi ku maamusho hawada Soomaaliya ay ugu soo wareejin lahayd Muqdishoโ€, Ayuu yiri Maxamed C/llaaahi Salaad.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad iyo Agaasimaha Xafiiska Farsamada iyo Iskaashiga ee Hayโ€™addaasi ย ICAO Ivan Galan ayaa si toos ah u kala saxiixday haeshiiskaasi, iyadoo la filayo in dhawaan magaalada Muqdisho laga maamulo hawadda Soomaaliya Muddo kadib.

Wariyeheena Dalka Canada Muxiddiin Jaamac

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kursiga lambarkiisu ahaa GSH 248 oo la buuxiyay

Dhuusamareeb, Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa loo doortay xildhibaan...

SoDMA oo gargaar gaarsiisay deegaanno ka tirsan Shabeellada dhexe

Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa gargaar baniโ€™aadannimo oo...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ฎ ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐—๐…๐’, ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐ž...