Dhageysiga Khudbadihii Musharixiinta Hirshabeelle oo la soo gebagebeyey

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe lagu soo geba gebeeyey dhagaysiga khudbadaha oo ay jeedinayeen musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha Hirshabeelle.

Ilaa 5 murashax ayaa maanta jeediyay waxqabadka qofkasta haddii uu ku guuleysto qabashada xilka madaxweynaha.

Xubnaha maanta uu dhageysatay baarlamaanka HirShabeele ayaa waxaa ay kala ahaayeen.

1:Daahir Cabdulle Cawaale

2:C/raxmaan Xuseen Caddow

3:Yuusuf Axmed Hagar (Yuusugdabageed)

4: Maxamed Caruushe Diirow

5:C/naasir Xaaji Shurwac Maxamuud.

Waxyaabaha ugu badan oo ay soo jeediyeen ayaa waxaa kamid ah horumarinta Deegaanada Maamulka  Hirshabeelle sida,Waxbarashada,Caafimaadka,Shaqo abuurka,Amniga deegaanadaasi,iyadoo ay goob joog ka ahaayeen xubnaha guddiga doorashada HirShabeele.

Waxaa lagu wadaa in maalinta sabtida ah ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulkaas ,waxaana soconaya qaban qaabo arrintaasi ku aadan,ammaanka magaalada Jowhar ayaa siweyn loo adkeeyey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...