Dukaamo Soomaali leedahay oo lagu boobay duleedka Cape Town

Date:

Shacab South Africaan ah oo careysan ayaa habeenkii xalay ahaa boobay goobo ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah oo ku yaalay xaafadda lagu magacaabo Paarl oo qiyaastii 40 km u jirta magaalada Cape Town.

Shacabka deegaankaasi ayaa waxaa la sheegay in ay ka caroodeen gacan ka hadal dhax maray mid ka mid ah dadka deegaanka iyo ruux Soomaali ah oo ka shaqeynayay midka mid ah dukaamada la boobay.

Dukaamada la boobay oo ah saddex ayaa waxaa la sheegay in uu ku jiray dukaan lagu iibinayay alaabaha jumlada ah ee lagu iibiyo dukaamada yaryar ee Soomaalida ku leeyihiin tuulooyinka hoos yimaada xaafadda Paarl.

Ciidamada boolis ka ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay waxaana u suuragashay in ay xakameeyeen rabashadaha ka dhashay arrintaasi wallow aan la ogeyn ilaa iminka cid loo soo qabtay falkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...