Shir Wadatashi ah oo ku saabsan Sharciga Socdaalka oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Muqdisho ( SONNA) Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa shir wadatashi ah u qabatay Khubaro ka kala socday qaar ka mid ah Hay’addaha dowlada iyo Bulshada rayidka, waxaana shirkan uu ku saabsan yahay dib u eegista Sharciga Socdaalka.

Waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka arimaha Dibada Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiiru dowlaha arimaha gudaha Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Gaashaanle Sare Maxamed Adam Jimcaale (Koofi).

Wasiirada Shirka ka soo qeyb galay ayaa ka dalbaday quburada loo soo xulay in ay ka qeyb galaan wax ka badalka sharciga Socdaalka in ay is waafajiyaan xaalada uu hada dalka marayo iyo sharcigan, Maadaama marka la sameynayay sharciga ay aheyd 1966, Xiligaasna ay sameysay dowlada dhaxe, hadana Soomaaliya ay qaadatay Federal , sidoo kalena ay hada aduunka ku soo korortay argagaxiso aan horay loo aqoon.

Shirkan Wadatashiga ah ayaa waxaa lagu qaban doonaa mudo seddex bilood gudahood ah dhamaan Maamul goboleedyada dalka ka dibna waxaa loo soo gudbinayaa Golaha Wasiiradda si ay uga doodaan oo ay baarlamaanka ugu gudbiyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Algiers kulan miradhal...

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Congo

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan, ahna...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS oo gaaray magaalada gaaray Magaaladda Kampala.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...