Maleeshiyo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Deegaanka Far Libaax

Date:

Muqdisho (SONNA) Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Far Libaax ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi Jab xoog leh lagu gaasriiyay Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab oo dagaal xoogan kala kulmay dadka deegaanka.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Deegaanka Far Libaax Cawaale Isaaq Jirre oo wareysi siiyay Wakaalada Wararka SONNA ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay Meel qiyaasta 25-km u jirta magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa bilowda sida Guddoomiye ku xigeenka uu sheegay ka dib markii Argagaxisada Al shabaab ay isku dayeen inay Jidgooyooyin dhigtaan meel kala barta Beledweyne iyo Far Libaax, ka dibna ay dagaal xoogan la galeen dadka deegaanka.

10 ka mid ah Maleeshiyadii Al shabaab ee dagaalka soo qaaday ayaa halkaasi lagu dilay, waxaana laga gubay gawaari, iyadoo kuwa kalena ay halkaasi isaga carareen.

Hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday dagaalka, waxaana hada degan xaalada Deegaanka Far Libaax iyo nawaaxigeeda, iyadoo dadka deegaanka ee Al shabaab la dagaalamay ay dowlada ka codsadeen inay taageerto si ay haraaga Maleeshiyada kaga saaraan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay Madasha Indo-Pacific ee Brussels.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kaga qaybgalay Brussels Madasha...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray macalimiinta Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud...

Wasiirka deegaanka oo la kulmay Wakiillada uga qeybgalaya Soomaaliya COP30.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo...

Guddoomiye Abshirow oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada ah.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...